AI Somalia

🎉𝟏𝐬𝐭 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐀𝐫𝐭𝐢𝐟𝐢𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐥𝐥𝐢𝐠𝐞𝐧𝐜𝐞 𝐎𝐥𝐲𝐦𝐩𝐢𝐚𝐝 (𝐈𝐀𝐈𝐎) 𝐢𝐧 𝐑𝐢𝐲𝐚𝐝𝐡, 𝐒𝐚𝐮𝐝𝐢 𝐀𝐫𝐚𝐛𝐢𝐚.

Maanta Dunidu waxey mareysaa in tartamo caalami ah (𝐎𝐥𝐲𝐦𝐩𝐢𝐚𝐝) loo qabto Garaadka Macmalka ah (AI) sida loo qabto tartamada kale oo Olympiad-ka ah.
Halka waddankeena Soomaliyane ay yartahay dadaalada ka socdo ee la xiriiro isticmaalka iyo horumarinta Garaadka Macmalka ah wadanka gudahiisa. Haddi shalay aynu dadaal xumo ku eedeyn jirnay orodyahaneedana iyo dadka kale ee inagu matalaya tartamada Olympiads-ka kala duwan dunida manta waxaa soo kordhay tartan kale oo eedisa 1aad qaban doonto bahada waxbarashada.
Inta ay goori goor tahay waa in aan isku biirinaa awoodeena si aynu uga harin tareenka Garaadka Macmalka ah ee socdo, anakoo taas ka duuleynane waxeynu bilaawnay madal (Community) uguna magac darnay AI Somalia (https://aisomalia.ai/) oo aynu ugu tala galnay in ay aas aas u noqoto dadaalada aan dooneyno in aynu isugu biirino awoodena si aan ula tartano asaageen.
Madasha AI Somalia Community waxey qaban doonta shirweyne oo ay isugu keeneyso khubarada Soomaliyeed ee Garaadka Macmalka ah inti la heli karo sidoo kale ay qeyb ay ka noqon doonto Dowladda iyo Shirkado Caalami ah.
𝐊𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐢𝐢𝐫 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐬𝐢 𝐚𝐚𝐝 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐮𝐠𝐚 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐢𝐝.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top